Wiilkii ku dhacay godka Dahabka laga qodo oo isagoo mayd ah lasoo saaray

0

LAASQORAY (SMN) – Waxaa hadda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag lagu soo gabagabeeyay dedaallo lagu baadigoobayay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Siciid, kaasoo sadqii dhexe ee Khamiista uu ku dumay god laga qoto dahabka, kadib markii hadda la soo saaray meydkiisa.

Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaadatay qodida godkaas dumay, waxaana ay sheegayaan in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.

Deegaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaaag ayaa ah halka ugu weyn ee laga qodo macdanta kala duwan, iyadoo godadkana loo sameeyo si filiqsan oo nidaam lahayn, taasi oo keentey in tiroba dhowr mar ay dad ku dumeen kuna le’daan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here