Xaafadda Daarusalaam ee Muqdisho oo si weyn looga ciiday

0

Deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga ciiday maalinta 1aad ee Munaasabadda Ciidul Fitriga.

Dadweynaha ayaa Salaadda Ciidda ku oogay barxad weyn oo loo diyaariyay in lagu dukado ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale kumanaan ka mida ah bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa u damaashaad tagay Beerta Dalxiiska iyo Nasashada Ee Daarusalaam.

Xaafadan ayaa ah xaafada ugu bilicda wanaagsan ee Caasimadda Muqdisho, iyadoo sanadihii ugu dambeeyayna ay aad u dhismeysay.
Maamulka Beerta Daarusalaam ayaa sanadkaan kusoo kordhiyay agabyo kala duwan kuwaasoo loogu tala galay inay dadka ku damaashaadaan.

Dadweynaha reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya in ubadkooda ay farxadda ciidda dareemaan, marka ay waqti ku qaadanayaan Beerta Daarusalaam.

Ciidul Fitriga oo ah Ciidda Kowbaad ee Labada Ciidood ee Islaamka uu leeyahay ayaa si weyn looga dabaaldeggaa dunida, gaar ahaan wadamada Islaamka, Somaliyana waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay dadkoodu muujiyaan/weyneeyaan farxadda maalmahaasi.

Ummadda Muslimiinta ayaa isugu hambalyeeya Munaasabadaha Ciidaha, iyadoona ay dadku isu rajeeyaan in sanadka kan xiggaa uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, cibaado suuban iyo nabad & caano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here