Xaaladda deegaanka Qaayib oo deggan kadib dagaallo ka dhacay deegaankaas

0

Cadaado (SM) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanka Qaayib ee gobolkaasi oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo sidoo kale Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan jawiga uu yahay mid xasilan, waxaana deegaanka ku sugan ciidamada huwanta oo howlgallo ka wada halkaasi.

Deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxda ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee laga saaray Al-Shabaab, balse ay shalay weerar culus ku qaadeen.

Galmudug oo dhankeeda ka hadashay dagaalkaasi ayaa guullo ka sheegatay, waxayna shaacisay inay dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gaadiid ka gubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here