Xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta deggan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta laga dareemayaa xaalad deganaasho ah, kadib markii ay xalay magaaladaasi ka dhaceen dibad-baxyo rabashado wata.

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday safarka uu magaaladaasi ku tegayo Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxyada ay ku fideen xaafado dhowr ah, ayna isku dhaceen dibad-baxayaasha iyo ciidanka ammaanka oo mar dambe kala eryey dadkaasi.

Beledweyne ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashada kuraas ka mid ah baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here