Xafiiska Rooble oo war kasoo saaray doorashada hoggaanka guddiga G/Waqooyi

0

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa uu adkeynayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.”

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan:

Iyadoo la tixraacayo warqadda ka soo baxday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) sumadeedu tahay TRX/010/AG/2021, kuna taariikheyrsan 4/08/2021, Ujeedadeeduna tahay Doorashada Guddoonka Soomaaliland (SEIT), ayaa guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo ay warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa inay fuliyaan Jadwalka doorashada Guddoonka guddiga.

Haddaba, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeynayaa in doorashada Hogaanka Guddiga ay noqoto mid daah furan laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.

Sidaa darteed hay’adaha dowladda ee arrintani quseyso waa inay kor joogteeyaan doorashada guddoonka guddiga, daneeyeyaasha caalamiga ah waxay u fasaxanyihiin kor joogteynta doorashada guddoonka guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here