Xamarweyne iyo Warsheekh oo xalay ku baratamay tartan aqooneedka Shabelle

0

Degmooyinka Xamarweyne iyo Warsheekh oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe ayaa xalay ku loolamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka B ee wareega labaad ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan qurux badan, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Warsheeh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xamarweyne oo laga adkaaday ayaa heshay dhibco gaaraya 10, halka Xamarweyne ay keensatay 14 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka isaga hor imaan doono deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kuwaas oo diyaar ugu jiro ka qeyb-galka tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here