Xamse Warfaa oo xil sare looga magacaabay wadanka Mareykanka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Minnesota (DEED), ayaa sheegtay in Xamse Warfaa, ku xigeenka DEED, loo magacabay xilka Amniga rayidka, Dimuqraadiyadda, iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Madaxweynaha Mareynkanka Joseph R. Biden iyo madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris ayaa Xamse Warfaa u gartay qabashada xilkani sare oo qeyb weyn ka qaadanaya in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Marenkanka galaangal buuxa ku yeeshaan yoolalka iyo ujeedooyiinka la hiigsanayo.

Xamse Warfaa, oo ah wiil dhallinyaro Soomaali ah, ayaa xilkani ka hor ahaa guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ee gobolka Minnesota, sidoo kale, Xamse Warfaa ayaa isku diyaarinaya inuu matalo dhammaan shacabka Mareynkanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here