Xaniifa oo la kulantay guddiga loo saaray xaqiijinta qoondada haweenka

0

Wasiirka wasaaradda haweenka XFS Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta kulan gaar ah la qaadatay guddiga loo xil-saaray xaqiijinta qoondada haweenka iyo ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qoraal ay wasiir Xaniifa ka soo saartay kulankaas waxay ku tiri, “Waxaan maanta kulan laqaadanay aniga iyo gudiga xaqiijinta qoondada dumarka dhowaan Raisulwasaaraha magacaabay (Goodwill Ambsaddors) kuxigeenka Qaramada Midoobey DSRSG Anita Kiki Gbeho oo aan ka wadahadalnay caqabadaha iyo qorshaha guddiga iyo wasaarada Haweenka ee doorashooyinka.”

Wasaaradda iyo ururrada kale ee haweenka ayaa xusul-duub ugu jira xaqiijinta qoondada siyaasadeed ee haweenka oo ah 30%, maadaama uu dalku galay xilli doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here