Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabad uu ku maamuusay Deni

0

GAROOWE (SMN) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ay ka qeyb galeen, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ahna Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer Dowlad-goboleed ah.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada.

Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here