MOMBASA (SMN) – Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Mombasa ee dalka Kenya uga qeyb-galaya shir sannadeedka 16-aad ee Xeer Ilaaliyayaasha Afrika iyo hay’adaha ay shaqo wadaagga yihiin.
Shirka oo uu furay madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa waxaa looga hadli doona, wadashaqeynta, xoojinta iyo Iskaashiga la xariira ciribtirka dacwadaha dambiyadda abaabulan ee ka gudba xaduudaha.
Shirkan oo soconaya muddo shan maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeyn doona, arrimo ay ka mid yihiin, isku soo celinta faa’iidada iyo miraha ka dhasha dambiyadda, qaababka dambiyadda abaabulan iyo la dagaalanka maalgalinta argagaxisada iyo xagjirnimada.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-