XF oo qabatay kulan looga hadlayey mideynta xuquuqda Aadanaha

0

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan fogaan arag ah kaas oo looga hadlay qiimeynta barnaamijka mideysan ee xuquuqda Aadanaha wajigii koowaad oo wasaaraddu horumuud ka tahay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay wakiilo ka kala socda wasaaradaha ay khuseyso arrimaha xuquuqul insaanka dalka, iyadoo laga wada hadlay waxyaabihii ka qabsoomay barnaamijka JPHR sadexdii sano ee la soo dhaafay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, mudane Isxaaq Xaashi Jimcaale, ayaa ka qeybgaliyaash ugu mahad celiyay sida ay u soo ajiibeen marti qaadka wasaaradda isagoo xusay in ahmiyadda ay leedahay wada shaqeynta gaar ahaan u diyaar garowga wajiga labaad ee JPHR.

Barnaamijka Mideysan ee Xuquuqda Aadanaha, ayaa waxaa garwadeyn ka ah wasaaradda Haweenka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wada shaqeyn dhow la leh, dhammaan wasaaradda ay khuseyso xuquuqda Aadanaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here