Mahdi Guuleed oo shaaciyey goorta ay ICJ ku dhawaaqeyso xukunka kiiska badda

0

MUQDISHO (SMN) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in 12 bisha soo socota ee October lagu dhawaaqi doono xukunka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka mid ahaa xubnihii Soomaaliya dacwadda ku matalayey ayaa sheegay in go’aanka kama dambeysta la soo saari doono 12-ka bisha soo socoto ee October.

“Alxamdulillaah,Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,“ ayaa qoraalkan ku yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Kiiska muranka badda ee ICJ ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigiisa, iyada oo markii dambe ay maxkamaddu guda-gashay, iyada oo ay fadhiga ka maqan tahay Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here