XFS oo sheegay in maxaabiis loo haysto burcad badeednimo lagu soo wareejiyey

0

Maxaabiis ku xirnaa magaalada Garoowe una xirnaa arrimo la xiriiro burcad badeednimo ayaa maanta lagu soo wareejiyey Wasaaradda Cadaaladda ee XFS.

Wasiirka Cadaaladda ayaa sheegay in Maxaabiistaan loo soo wareejinayo si loogu soo dhaweeyo deegaanada ay eheladooda ku nool yihiin ayadoo ujeedku yahay in ehelada u fududaato booqashada Maxaabiista.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiistan ay heli jireen xuquuqdooda isla markaana muuqaal ahaan ay aad u wanaagsan yihiin , waxaana uu xusay in uu ay heli doonaan xuquuqda uu sharciga siinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here