Xildhibaanada HirShabelle oo doortay Senatarkii lixaad ee Aqalka Sare

0

JOWHAR (SMN) – Senator Xasan Iidow Muxumad (Kobac) ayaa ku guuleystay doorasho goordhow ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Kobac ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur Ibraahim uu helay codad gaaraya 22 cod.

Senator Xassan Iidow Muxumad (Kobac) ayaa noqonaya Senatarkii 6-aad ee lagu doorto magaalada Jowhar intii ay socotay doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa dhiman labo kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo doorto HirShabelle, sida ku xusan bayaankii ay horay u soo saareen guddiga doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here