Xiisad ka dhalatay socdaalka wasiir Jamaal ee Garoowe oo ka taagan Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay maanta is hortaag ku sameeyeen shacab, gaadiid iyo ciidamo doonayey in ay garoonka Garoowe, ku soo dhoweeyaan wasiirka qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay shacabka ku celiyeen afaafka hore ee garoonka, iyaga oo u diiday inay gudaha galaan, si ay u soo dhoweeyaan wasiirka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa sidoo kale inoo sheegay in is hortaadga lagu sameeyey dadweynahaasi ay xiisad horleh ka abuurtay magaalada Garoowe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in wasiirka qorsheynta Soomaaliya uu ugu dambeyn ka dagay garoonka Garoowe, loona sii galbiyey dhinaca degmada Dhahar.

Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ah wasiirad dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn waxay isku hayaan maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here