Xiisad u dhexeyso Somaliland iyo Puntland oo ka taagan gobolka Sool

0

BOOCAME (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeyo Somaliland iyo Puntland laga dareemayo gobolkaasi.

Xiisadda ayaa timid, kadib markii uu saaka degmada Boocame gaaray guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye & wafdi uu hoggaaminayey.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha oo ay galbinayaan ku dhowaad 50 gaadiidka dagaalka ah ay gudaha u galeen degmadaasi, halkaas oo lagu soo dhaweeyey.

Sidoo kale waxaa magaaladaas qaybo ka mid ah iyana ku sugan xubno ka socda Puntland, kuwaas oo uu horkacayo wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo ay wehelinayaan xildhibaanka halkaas laga soo doorto iyo guddoomiyaha Sool eePuntland.

Ciidamada labada dhinac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in la soo dhoobay duleedka Boocame iyo aaga dhanka Tukaraq oo ay in muddo ah isku horfadhiyeen ciidamadaasi.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya inuu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada dhinac ay wadaan abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta labada maamul ee fadhigoodu yahay Hargeysa iyo Garoowe, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here