Xiisad xoogan oo saaka ka taagan gudaha magaalada Garbahaarey

0

Garbahaarey (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareeemayo magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii, guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) & ciidamo uu wato ay gudaha u galeen magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada uu wato Macalimu ay xoog ku qabsadeen xarunta maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa laga dareemayaa Gedo, iyada oo saraakiisha ciidamada ka howl-galka gobolkaasi ay ku kala qeyb-sameen xiisadda ka taagan halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Gedo iyo mas’uuliyiinta Jubbaland oo ku aadan xiisaddaasi.

Garbahaarey ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka oo dhowaan ka bilaabanaya gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here