Xijaar oo shaaciyey inay diyaar u yihiin sugida amniga doorashooyinka

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay u diyaarsanyihiin sugida amniga doorashooyinka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay booqdeen oo soo kormeereen inta badan goobaha la qorsheynayo in lagu qabto doorashada dhawaan ka dhacayso dalka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka booliiska Soomaaliyeed Awood buuxdo u leeyihiin sugida amniga doorashooyinka asaga oo xusay in sidoo kale ciidanka booliiska ay wataan howl maalmeedkooda kale ee caadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here