Xil wareejin maanta ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) -Munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen Hoggaanka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta sida ku-simaha wasiirka wasaaradda ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Mud. Ilyaas Cali Xasan iyo wasiir ku xigeenka Mud.Cabdihakim hasan Ashkir iyo la taliyeyaasha, agaasime waaxeedyada iyo guud ahaan shaqaadaha wasaaradda ayaa maanta ka dhacday gudaha wasaaradda, kaas oo lagu soo sagootinayey agaasimihii hore ee wasaaradda Saciid Cabdullahi Calasow, laguna soo dhoweynayey agaasimaha guud ee cusub Caydaruus Macallin Xasan Cabdulle.

Agaasimaha hore Saciid Cabdullahi Calasow oo ugu horreyn ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ayaa ka sheekeeyey labadii sano ee uu ahaa agaasimaha guud, howlaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, barnaamijka xukuumadda ee Soomaali heshiis ah, isaga oo taabtay heerarka, tirada iyo tayada dhammaan shaqaalaha sida shaqaalaha rayidka ah, la taliyeyaasha, shaqo sugayaasha, iyo qeybaha kale iyo baahiyaha jira.

Mudane Calasow waxaa kale uu soo qaatay mashaariicda kala duwan ee socota, isaga oo kula dardaarmay agaasimaha cusub in meesha kasii wado, uuna ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha.

Agaasimaha cusub ee KMG ah ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan Cabdulle oo xafdladda ka hadlay ayaa ka mahadceliyey sida loo soo dhoweeyey iyo qaabka ay u dhacday xilwareejinta, isaga oo intaa raaciyey inuu diyaar u yahay in howlaha socday meeshooda kasii wado.

Ugu dameyntii, wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Ilyaas Cali Xasan oo soo xiray munaasabadda xilwareejinta labada agaasime ayaa agaasimihii hore uga mahadceliyey shaqada uu qabtay,kan cusubana kula dar-daaranay in si daacad ah dalka ugu shaqeeyo.

Wasiir Ilyaas, waxaa uu soo qaatay arrimo badan oo ay tahay in wasaaradda ay xoogga saarto, agaasimaheeda cusubna uu ka dhigto waxbaayaha hortabinta u leh sida dagaalka ka dhanka ah argigixisada, abaaraha, xasillinta iyo in adeegyo kala duwan la gaarsiiyo goobaha la xoreeyey.

Mudane Ilyaas Xasan, waxaa uu gebagabadii shaqaalaha wasaaradda kula dardaarmay in lala shaqeeyo agaasimaha cusub si loo gaaro qorshaha xukuumadda, istaraatiijiyadda wasaaradda iyo himilooyinka qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here