Sawirro: Xil wareejin ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Xilka u kala wareejiyay Sii hayihii xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cali Aadan iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradaasi Mudane Jaamac Cabdirisaaq Xirsi (Indhabuur).

Agaasimaha cusub ayaa balan qaaday in uu dardargelin doono hawlaha wasaaradda isagoo tilmaamay muhiimada ay umadda Soomaaliyeed xiligan u leedahay in la labo jibaaro dhammaan shaqooyinka waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhiga.

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xafiiska Wasiirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasime waaxeedyada wasaaradda difaaca dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here