Xil wareejin maanta ka dhacday xarunta gobolka Banaadir + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa Maanta xilalka u kala Wareejisay Agaasimaha guud ee arrimaha  Bulshada Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdulaahi Aadan iyo Agaasimihii Hore  Maxamed Axmed (Cantoobo) .

Sidoo kale Gudoomiye Basma ayaa goob-joog ka ahayd Munaasabad uu xilka kula wareegay agaasimaha Cusub ee Dad dhigista  Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdirahiid Cabdulaahi Salaad oo xilka kala Wareegay Agaasimihii Hore Sharmarke Abuukar.

Dhinaca kale Sharmarke Abuukar oo loo magacabay Xisaabiyaha guud ee Gobolka Banaadir waxa uu xilka kala Wareegay Xisaabiyihii Hore Cabdi Nuur Maxamed Shiikh Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here