Xildhibaano cusub oo lagu doortay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Musharrax Maxamed Cali Xagaa ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kadib doorasho saaka ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Doorashadan oo ka mid ah kuraasta gobollada waqooyi ayaa haatan ka socota caasimada, waxaana Maxamed Cali Xagaa uu kusoo baxay cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharrax Axmed Muumin Waaliye oo kula tartami lahaa kursiga HOP#268.

Guddiga doorashada ee Somaliland oo ku dhowaaqay natiijada hordhaca ah ayaa sheegay inuu xildhibaan Maxamed Cali Xaqaa helay 98 cod, waxaana ka aamusay hal qof.

Sidoo kale waxaa kursiga labaad ee HOP#267 ku guuleystay Saynab Maxamed Caamir oo horey ugu fadhiday kursigaas, taas oo kusoo baxday codeyn gacan taag oo ah 97 cod.

Cadaan Cismaan Cilmi ( Boqore) ayaa kusoo baxay kursiga saddexaad ee HOP#236, wuxuuna helay 99 cod, kadib codeyn gacan taag ah oo isna loo qaaday.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here