DHUUSAMAREEB (SMN) – Doorashada kursiga Hop147 oo ay deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug oo maanta la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim oo ah nin ku cusub siyaasaddda.
Ilyaas Sheekh Axmed ayaa ku soo baxay doorasho la’aan, kadib markii ay tanaasushay musharrax Aamino Tahliil Warsame oo kula tartami laheyd kursigan.
Doorashada kursiga Hop147 oo uu qabtay guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.
Kursiga Hop147 ayaa waxaa baneeyay Mahad Maxamed Salaad, kadib markii loo magacaabay xilka Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA.