Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo dalab xasaasi ah soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Baarlamanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku baaqay in la qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka ee maamulkaasi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ku sugan Muqdisho ayaa dhaliilay kulan uu shalay kasoo muuqday Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo horay u ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka nmaamulkaas, balse loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka 11-aad.

Cali Saciid Fiqi ayaa qayb ka ahaa kulan uu gudoomiyaha Golaha Shacabka shalay la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Muqdisho ku shiray ayaa si weyn u dhaleeceeyey arrintaasi, waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo qabto doorashada guddoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here