Xildhibaanada Baarlamaanka oo markale ka doodaya miisaaniyadda 2022-ka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooddii caadiga ahaa, sida uu shaaciyey guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay xildhibaannada inay soo xaadiraan kulanka maanta iyada oo Ajandaha uu yahay akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda 2022-ka, waxaana hortagaya wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dhawaan iska soo xulay guddi KMG ah, kaas oo loo xil-saaray Miisaaniyadda sanadkaan 2022-ka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here