Xildhibaanada BF Soomaaliya oo ansixiyey muddo kordhin labo sano ah

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho kaga dooday sharciga doorashooyinka, waxaana ay soo saareen sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo ah doorasho qof iyo cod ah.

Guddoonka ayaa Xukuumadda faray in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga ah, iyagoo awood loo siiyay muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.

149 ayaa ogolaatay meel marinta sharciga gaarka ah ee ku saabsan jiheynta doorashooyinka, waxaa diiday 3 mudane, halka uu ka aamusay hal mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacbka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here