Xildhibaanada BF oo ansixiyey muddo kordhin uu dalbaday R/W Xamza

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u kordhiyey ra’iisul wasaaraha muddada uu kusoo magacaabayo xubnaha golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulan ay ku yeesheen xildhibaanada Villa Hargeysa ayaa waxaa ugu horreyn golaha laga aqriyey codsi uu soo gudbiyey ra’iisul wasaare Xamza oo dalbaday 10 cisho oo dheeri ah.

Intaas, kadib xildhibaanada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey dalabka ra’iisul wasaaraha, waxaana ogolaatay 144 xildhibaan, halka uu diiday hal mudane, sida ay ku dhawaaqday guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha, Marwo Sacdiya Yaasiin oo kulanka guddoomisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here