Xildhibaanada BF Soomaaliya oo markale ka dooday arrimaha ammaanka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka dooday arrimaha ammaanka ee dalka.

Xldhibaanada qaar oo kulanka ka hadlay ayaa dalbaday in loo yeero Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga, si wax looga weydiiyo arrinta ammaanka ee magaalada Muqdisho iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda inta badna gobollada dalka.

Daahir Amiin Jeesow iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka mid ah Xildhibaanada kulanka ka hadlay ayaa su’aallo ka keenay arrinta amniga, waxayna shegeen in loo baahayn yahay in wax la’iska weydiiyo, sidoo kale la saxo hay’adaha amniga.

Intaas kadib guddoonka Golaha Shacabka ayaa arrintan dib ugu celiyay guddiga amniga ee Baarlamaanka, si ay uga tashadaan, kadibna lagu soo celiyo isla Golaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in laga doonayo guddiga inay soo caddeeyaan magacyada xubnaha loo yeerayo, si uu golaha ula xisaabtamo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ka doodayey amniga waxaana Xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen hab dhaqanka saraakiisha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here