Xildhibaanada cusub ee BF Soomaaliya oo kusii qul-qulaya teendhada Afisyooni

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada la doortay ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ku qul-qulaya teendhada Afisyooni, halkaas oo saacadaha soo socda lagu dhaarin doono.

Sidoo kale waxaa la adkeeyay ammaanka xarunta Afisyooni, iyadoo la xiray waddooyinka ka agdhow agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa la dhaarinayaa in ka badan 200 oo mudane oo ka tirsan labada aqal, kuwaas oo maalimihii lasoo dhaafay qaatay shahaadada xildhibaanimada.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale filayaa inuu goob-joog ka noqdo xafladda dhaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here