Sawirro: Xildhibaanada Golaha Shacabka oo codka kalsoonida siiyey R/W Xamza

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa codka kalsoonida siiyey ra’iisul wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre.

Illaa 220 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa si buuxda codka kalsoonida u siiyey ra’iisul wasaaraha cusub, kadib cod gacan taag ah oo loo qaaday, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa haatan wixii ka dambeeya guda-geli doono soo magacaabida xubnaha Golaha Wasiirada ee la shaqeyn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here