Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ku yeelanayo Villa Hargeysa

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ahaa ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa lagu wargeliyay xildhibaanada Soomaaliyeed, kadib qoraallo xalay loo diray.

Xildhibaanada ayaa ka doodi doono ajendayaal dhowr ah, waxaana ka mid ah:

1. Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabtaynta Maaliyadeed ee Cayiman.

2. Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedyada kala ah
A) Hindise Sharciyeedka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka .

B) Hidnise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe yeelanayey kulamadooda, inkastoo fadhiyo badan oo uu golahu u madalsanaa ay u baaqdeen kooram laโ€™aan, iyadoo aan si rasmi ah aan loo ogayn sababaha gundhiga u ah in ay xidlhibaanadu soo xaadiri waayeen kulamadaas.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay jahwareer weyn oo cuuryaamiyey howlihii uu golahan qaban lahaa inta lagu guda jiro muddo xileeekiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here