Xildhibaanada labada Gole ee BF oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2023-ka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ajendaha uu yahay ka doodista Miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka, waxaana xildhibaanada ay marinayaan akhrinta labaad.

Sidoo kale waxaa xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka hortegay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed oo warbixin hordhac ah siiyay Golaha.

“31 bishaan waa in la ansixiyaa Miisaaniyadda dalka” ayuu yiri Xildhibaan Qowdhan oo ka qayb-galay doodda Baarlamaanka oo weli socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here