Xildhibaankii labaad oo loo doortay Golaha Shacabka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ergada doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa goordhow doortay kursigii labaad ee Golaha Shacabka, waxaana kusoo baxay Biixi Iimaan Cige.

Biixi oo horey kursigan ugu fadhiyey ayaa la tartamay musharrax Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil oo uu ugu dambeyn ka adkaaday.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi, Biixi Iimaan ayaa helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu isna helay 9 cod, sidoo kale waxaa xumaaday 1 cod.

Waa xildhibaankii labaad ee loo doorto Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed oo ku soo baxay kursigii koobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here