Xildhibaano cusub oo lagu doortay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Magaalada Baydhao ee xarunta Gobolka Baay oo ay ka socota doorashada shan kamid kurasta Golaha shacbaka ayaa goordhawa lagu doortay Kursiga koowaad ee Hop#184 waxana ku tartamay Musharaxiinta kala ah Xasan Cabdi Nuur iyo Maxamed  Cabdulaahi Cali.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur Cabdi ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#184 ee Golaha Shacabka BFS waxa una helay codod gaarayo 72-cod

Muasharaxa la tartamayay ee Maxamed Cabdullahi Cali aya isna helay cododka 27-cod

dhanka kale Kursiga labaad Hop085 ee doorashada ka socoto Badhabo ayaa waxa ku wada tartamay, Shariif Maxamed Cabdalle iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar waxana ku guuleystay Shariif Maxamed Cabdalle oo helay 79-cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay 19- cod waxa halabay 3-cod

Doorashada kuraasta kale ayaa wali ka socoto Magaalada Baydhabo waan idin soo gudbin doonaa natiijada doorashada socoto ka soo baxado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here