Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo lagu doortay Kismaayo + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu doortay xildhibaano cusub oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda waxaa lagu soo warramayaa in la doortay saddex xildhibaan oo kala ah Xamse Cabdi Barre, Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xasan Cabdi Ismaaciil.

Jubbaland ayaa noqonaysa maamul goboleedkii saddexaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana ka horreeyey Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay xiisadda u dhexeyso madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here