Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo gudbiyey Mooshin deg-deg ah

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta guddoonka sare ee Golahaasi u gudbiyey Mooshin deg-deg ah oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka.

Illaa 22 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshinkan, kuwaas oo dalbaday in ajendaha maanta lagu soo daro ka doodista xaaladda amniga waddanka, gaar ahaan kan caasimada.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag u qaaday waxa ogolaaday in ajendaha lagu soo daro Mooshinka illaa 144 xildhibaan, waxaana diiday hal mudane, mana jiro wax ka aamusay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha gudbiyey Mooshinka ayaa si adag uga hadlay arrimaha ammaanka ee dalka.

“Waa dambi la in baaro gaadiidka Xildhibaanada,” ayuu hadal jeedintiisa ku yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here