Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku sii jeeda Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in madaxweynaha uu furi doono shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee ka dhacayo gudaha magaaladaasi, kaas oo maalinta beri ah ka furmaya magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu u baxo Baydhabo, ayada oo la adkeeyay ammaanka guud ee magaaladaasi oo ay shalay gaaleen xubno hordhac u ah safarka madaxweynaha, kuwaas oo uu hoggaaminayey agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa halkaas ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isagu dhigay gogosha shirweynahaasi.

Si kastaba, waa markii labaad ee uu madaxweyne Xasan Sheekh booqanyo Baydhabo, isaga oo safarkiisii ugu horreeyay ku bilaabay, kadib doorashadii 15-kii May ee 2022-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here