Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale booqasho ku tegayo Eritrea

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in todobaadkan gudihiisa ay booqasho rasmi ah ku tegaan magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eritrea.

Sarkaal ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa Shabelle u xaqiijiyey socdaalka madaxweynaha uu ku aadayo Eritrea, balse ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan ujeedka safarkaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu kulamo kala duwan la qaadan doono dhigiisa dalkaasi Isias Afewerki isaga oo kala hadli doono xaaladda ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkiisa iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Sidoo kale labada hoggaamiyey ayaa kulankooda diirrada ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal, gaar ahaan xoojinta xiriirka Asmara iyo Muqdisho.

Booqashadan ayaa noqoneyso tii labaad ee uu madaxweyne Xasan ku tego Eritrea oo uu horey safar ugu tegay, xilli ay taagneyd xiisad ka dhalatay ciidanka ku maqan dalkaasi.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan dalka Masar oo uu uga qayb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here