Xog: Ra’iisul wasaare Xamza oo booqasho ku tegayo dalka Masar

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo ay booqasho ku tegaan dalka Masar.

Ra’iisul wasaare Xamza iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Masar, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu wadahadallo la yeelan doono madaxda sare ee dalkaas oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada waddan iyo dagaalka Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Dowladda Masar ayaa ka mid ah dowladaha xiriirka dhow la leh Soomaaliya, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageero ku aadan dhinaca bani’aadanimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here