Xoogaga Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degmada Balcad

0

BALCAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad ee gobolkaasi, kadib dagaal kooban oo ay la galeen ciidamada dowladda.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi, kuwaas oo haatan lagu arkayo magaalada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in intii uu dagaalka socday uu khasaare kasoo gaaray dad rayid ah, gaar ahaan qoys daganaa xaafadda Waaberi Star ee degmada Balcad oo uu hoobiye ugu tegay gurigooda, waxaana ku dhaawacmay illaa 5 qof.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka HirShabelle oo la xiriira dagaalkaasi.

Balcad ayaa qiyaastii 35 KM u jira magaalada Muqdisho, waxayna muhiim u tahay isku socodka caasimadda iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here