Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka

0

BAYDHABO (SMN) – Ibraahim Macallin Yuusuf (Suleymaan) oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo.

Ibraahim ayaa sheegay in sababta ku kaliftay in Al-Shabaab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaato uu sheegay ina ku hayaan shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 9 bil ah, tababarna uu ku soo qaatay xarun ku taalla gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ka mahad-celiyay sida ay usoo dhaweeyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here