Xubnaha Aqalka Sare ku metalaya guddiga dastuurka oo la shaaciyey

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa soo xulay shanta xubnood ee golahaas ku metalaya guddiga dastuurka ee labada Aqal.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:- 1-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

2-Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

3-Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Magaalada kismaayo.

4Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah wasiirka dastuurka, isla-markaana Aqalka Sare ku metala Gobolada Waqooyi ee (Somaliland), laguna doortay magaalada Muqdisho.

5-Xasan Xuseen Xaaji oo hadda ah Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, lagana soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono Golaha Shacabka, waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here