Xubno ka socda guddiga xalinta khilaafaadka oo gaaray Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta gaaray xubno ka socda guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Xubnahan oo kala ah Burhaan Cilmi Xirsi & Warfaa Maxamed Jaamac ayaa ujeedkooda waxa uu yahay inay qeyb ka noqdaan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland, gaar ahaan afarta kursi ee dhowaan lagu dooranayo gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa xubnahan ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, waxaana haatan ay kulamo la leeyihiin guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed ee maamulkaasi.

Kismaayo ayaa waxaa horay uga dhacday doorashada lix kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyada oo qorshuhu yahay in haatan la dhameystiro kuraasta kale ee ka dhiman dowlad goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here