Xubno ka tirsan Al-Shabaab ‘oo gudaha u soo galay’ magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlayey arrimaha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho ay dhuumaaleysi ku soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Yabooh ayaa sheegay in ay hayaan xog amni oo ku aadan in Shabaab ka soo cararay dagaallada ka socdo gobollada, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay u soo gudbeen Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in ay haatan ku hayaan dabagal iyo baaris.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla-markaana ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee haatan ka socda gobolka Banaadir.

Arrimahan ayaa sidoo kale wax ay ku soo aadayaan, ayada oo haatan dagaallo culus ay ka socdaan gobollada dalka, kuwaas oo deegaano horleh looga qabsaday Al-Shabaab, kadib duulaan ay ku qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here