Xubno ka tirsan gobolka Banaadir oo booqasho ku tegay magaalada Konya

0

KONYA (SMN) – Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed uuna qeyb ka yahay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan oo safar shaqo ku jooga Magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa booqday Dugsiga ugu weyn ee Tababarka Farsamada Gacanta ee Magaalada Konya.

Maareeyaha Dugsiga ugu weyn ee Tababarka Farsamada Gacanta dalka Turkiga mudane Dormus, ayaa Wafdiga mid mid u dul istaajiyay dhammaan hawlaha tababarrada laga bixiyo Machadka.

Sidoo kale  Maareeyaha ayaa ballan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar uu ka taageeri doonno qalabeynta iyo Naqshadeenta Dugsi tabar farsamada gacanta iyo diyaarinta “Curriculum” ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here