Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo howl-gal qorsheysan lagu dilay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Kumaandooska Danab saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha dowladda.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in inta uu socday howl-galkan lagu khaarijiyey ugu yaraan illaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyey fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here