Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada DF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) -Maxamed Tawane Cabdi iyo Deeqow Ibraahin Cabdale oo ka wada tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada ayaa soo dhaweeyay labadaani ruux ee ka soo goosatay Al-Shabaab, waxayna la soo baxsadeen hubkii ay ku howlgali jireen.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa dowladda isu soo dhiibay saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay xoogeysteen howl-gallada ka socda gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here