Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Hiiraan

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaa howl-gal qorsheysan oo saaka ciidamada Xoogga dalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Afcad oo hoos-yimada degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Taliyaha qeybta 27-aad General Axmed Maxamed (Tareedisho) oo horkacayey howl-galkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen illaa 15 ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay howl-galkan ku bur-buriyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa agagaarka degmada Buulo-Burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here