Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howl-gal ka dhacay gobolka Sh/ Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo ballaaran ka sameeyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Howl-gallada ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey tuulooyinka Busley iyo Buulo Aluundi oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan lagu dilay ugu yaraan 7 xubnood oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa qabsaday deegaano ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaano iyo degmooyin ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here