Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Sh/Dhexe

0

AADAN YABAAL (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgallo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howlgal ka dhacay deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in lagu beegsaday Al-Shabaab.

Odowaa ayaa shaaciyay in howlgalkaas lagu dilay illaa 14 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isku uruursanayey duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale howlgal kale oo ay fuliyeen ciidanka NISA ayaa isna ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Basra iyo Sabyo, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaas ay ku dishay xubin ka tirsan Al-Shabaab, laba kalena ay nolosha ku qabatay, kuwaas oo watay hub iyo walxaha qarxa.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada uu haatan ka socdo duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here